Sirdoonka Maraykanka:- Qatarta ugu badan ee aan wajahayno waa Islaamiyiinta ku sugan Soomaaliya.

0

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hanjabaadaha ugu Imaanaya dagaalyahanada hubaysan ee ku sugan wadamada Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq ay ka khatar badan yihiin kuwa laga yaabo in ay ka soo baxaan dalka Afgaanistaan.

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Maraykanka Avril Haine, ayaa hadalkaan ka sheegtay, iyadoo  ka hadlaysay shir sannadeedka saraakiisha sirdoonka iyo Amniga Qaranka.

Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in Afganistaan aysan ugu imaanayn Qatar amni balse ay isha ku hayaan Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq.

“Marka la eego dalkeen, halista hadda ka imaanaysa kooxaha argagaxisada, Afghanista kuma jirto liiska ugu sarreeya,” ayay tiri.

“Waxa aan eegno waa Yemen, Soomaaliya, Suuriya iyo Ciraaq oo loogu talagalay ISIS. Waana meesha aan ku aragno halista ugu weyn. ”

Yemen ayaa saldhig u ah garabka Al -Qaacida oo isku dayay weerarro ka dhan ah Mareykanka. Soomaaliya waxaa ku sugan Al Shabaab, oo xitaa awooda in ay weeraro ku qaado wadamada dariska la ah Soomaaliya. In kasta oo ay yaraatay, ISIS wali waxay ka hawlgashaa Suuriya waxayna weerarro ku qaadday Ciraaq sida ay qortay New York Times.

Tan iyo markii ay Talibanka la wareegeen bishii hore Afganistaan, saraakiisha milatarigu waxay sheegeen in Al Qaacida laga yaabo in ay awood u yeelato ina y dib u dhis ku sameyso saldhigyadeeda Afgaanistaan si ka dhakhso badan sidii hore loo qiyaasay.

20 sano ka dib weeraradii argagixiso ee Sebtember 11, 2001, Haines waxay sheegtay in ay hanjabaadda ka imaaneya kooxaha Islaamiyiinta ah ay si weyn hoos ugu dhaceen.

Agaasimaha sirdoonka Maraykanka waxay sheegtay in dadaal aad u weyn oo ka socda Mareykanka uu keenay  in aad loo yareeyo awoodda ay kooxaha Alqaacida iyo ISIS weeraro uga geystaan gudaha Mareykanka.