51-sano oo maanta laga joogo Afgambigii Militari ee ka dhacay Soomaaliya!

0

51 sano ayaa ka soo wareegatay inqilaabkii aan dhiigga ku daadan ee October 21, 1969-kii, Siyaad Barre iyo ciidamo ka amar qaata ayaa dalka xoog ku qabsaday maalmo kadib markii la dilay madaxweynihii dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke, xukunkan oo socday 21 sano, waxaa isna lagu soo afjaray afgambi kale oo ay horkacayeen jabhado xaq u dirir ah.

Afgambigaas uu hor kacayey Maxamed Siyaad Barre ee taariikhda galay waxaa ku dhaqaaqay 25 nin oo isku magacaabay Golaha sare ee Kacaanka ama (Supreme Revolutionary Council).

Alahu Naxariistee Cali Verdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikho badan ayaa ii sheegay in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka dhacayey, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aan dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada heysay.

Cali Berdura waxaa uu yiri”Haa,  waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday, kacaan diid ayaan ahaa…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer”.

Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ayey uga faa’ideysteen saraakiishii dalka Inqilaabka ka dhigtay, sida uu Barnaamijka Taariikhda dalkeena u sheegay Axmed Naaji Sacad.

Axmed Naaji ayaa nooga sheekeeyay wixii dhacay  habeenkii dalka Kacaanka ka curtay ee October 21, 1969-kii, Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isaga gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan  Istuudiyaasha Radio Muqdishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad, habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah.

Axmed Naaji, Waxaa uu sheegay in marka hore Kacaanka uu la wareegay Radiyaha ama Radio Muqdishu kadibna Baarlamaanka oo la dhihi jiray xiligaas Dipitaalayaal.

Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac ayaa habeenka lagu soo garaacay guriga, Waxaana loo waday dhanka Idaacadda, inta uu wada sii socday, Saraakiishii wadday iyo  kuwa wadada jooga waxay la isku afgaranaayey waa Qurac, Qansax  iyo erayo kale oo la mid ah.

Markii la geeyay Idaacadda Axmed Naaji waxaa uu halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo iyagan hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali Suglle, halkaas ayaa loogu sheegay dhamaantood in Kacaan dhashay, loona baahan yahay in ay dadka wacyi galiyaan.

Fanaaniinta ayaa halkaas ku qoray Heestii ugu horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay Sameeyeen Cali Sugulle iyo Axmed Naaji, waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday, Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii….heestaah oo ay xifdinayeen ilaa 6-da subaxnimo xiligaas oo Idaacadda soo gali jirtay, waxaa kaloo uu noo sheegay in Habeenkaas xitaa lasoo afduubay wadaadkii Quraanka ku furi jiray Idaacadda ee Sheekh Maxamed halka Wariye lagu magacaabo Cabdullahi uu warka ku furay Idaacadda subaxdaas.

Idaacadda halkii laga dhihi jiray”Halkani waa Radio Muqdishu Codka Jamhuuriyadda, Waxaa lagu badalay halkani waa Radio Muqdishu Codka Umadda Soomaaliyeed”.

Waxyaabaha la faray Wariyaasha waxaa ka mid ahaa in maalintaas aanay shaqaalaha dowladda shaqo usoo bixi Karin, Waxaa kaloo Idaacadda laga sheegay in Police aanu socon Karin wadada oo Ciidanka Militariga kaliya socon karaan, waxaa kaloo heesihii Kacaanka ee laxanka uu lahaa Naaji ka mid ahaa’Waaga Baryay Bilicsan Arooryo baxsan Maalin Boqran”.

Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Baree ee Idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in Cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda.

Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay  in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka kusoo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay Inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda.

Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka.

Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale.

Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay.

Culimda diinta, Waxaa ay ku jireen cabsi aad u badan, xitaa Macalimiinta Quraanka, sida aan ku arki doono qeybaha dame ee barnaamijak Taariikhda Dalkeena. 

Maxaa Lagu Xasuustaa Maxamed Siyaad:

Maamulkii Maxamed Siyaad Barre, Waxaa uu ku guuleystay qorista afka Soomaaliga, taas oo in muddo ah lagu taamayey, qorista fata Soomaaliga waxaa ay ka dhigtay dadka kuwoo wax qora halka dalka uu yeeshay far iyo taariikh qoran.

Ololihii Hor-umarinta reer Miyiga ee la dagaalanka Umminimada, waa tilaabo kale uu Siyaad Barre iyo maamulkiisa ku guuleysteen in Macaliinta xiliga fasaxa loo diro miyiga si dadka wax u baraan, waxaa kaloo laga faa’ideystay ardayda, Fanaaniinta iyo cid kasta oo aqoon leh.

September 1970-kii, Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad  kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta.

1974: Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda sanadkii 1974-tii, isla sanadkaan Waxaa uu Madaxweyne Barre uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika.

1975-tii, Waxaa uu Maxamed Siyaad soo saaray xeerka qoyska kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid.

Golihii sare ee Kacaanka, Waxaa 1976-dii isku badalay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku dayey in ay is waafijiyaan Diinta dalka oo Islaam aheyd iyo aragtidan Shuuciyadda iyo hantiwadaaga.

Bishii July 1977-dii, Waxaa uu dagaal dhex maray  dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay.

Maxamed iyo Nidaamkiisii dagaalkii 77 kadib, Waxaa xiriir la bilaabeen Mareykanka oo dagaal qabow uu kala dhaxeeyay Ruushka, si dalka uu garab u helo.

1978-dii, Waxaa dalka ka dhacay Inqilaab fashilmay, Inqilaabkaas waxaa fuliyay rag uu jiray Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Cabdulhi Yusuf, markii uu fashilmay Yusuf waxaa uu galay Kenya isagoo aasaasay Xisbi Mucaarid ah.

Bishii May 1988, Waxaa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xasuus ka geysteen magaalada Hargeisa, taas oo keentay in dad badan ku dhintaan, ilaa iyo hadda waxaa taagan dhibaatadii maalintaas, dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona.

1991: Ugu dambeyn jabhado uu horkacayo Gen. Maxamed Faarax Caydiid ayaa caasimadda ka qabsaday January 26, 1991-dii, Siyaad Barre waxaa uu magan-galyo siyaasadeed ka helay dalka Nigeria halkaas uu ku geeriyooday 1995-tii.

Maxamed Siyaad waxaa uu dalka ku qabsaday afgabi isna 21 sano kadib ayaa la afgambiyey, waxaana soo baxday in xoogga dalka laga fogeeyo xukunka, oo ay ku ekaadaan hawlaha loo igmaday.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye,