Somaliland oo gacanta ku dhigtay Nin Gaari jiirsiiyay Caruur

0

Ciidamada Maamulka Soomaliland ayaa Magalada Hargeysa wax ay ku qabteen Darawal Saddex Carruur ah ku jiir siiyey koonfurta Magaaladaas,kadib markii uu isku-dayey in uu halkaasi ka baxsado sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.

Dhacdadaan ayaa waxa ay ka dhacday agagaarka Garoonka diyaaradaha ee Koonfurta Haregysa,waxan loola cararey isbitaalka Hargeysa wallow markii dambe ay geeriyoodeen.

Aabaha dhalay Carruurtaas oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Saleymaan ayaa sheegay in midka ugu weyn Carruurtiisa uu gaarayo da’da 20-ka,isla markaana isagu uu griga ku ogaa basle lagu soo wargeliyey in Carruurtisii uu gaari jiiray.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Soomaaliland Feysal xiis ayaa waxa u u sheegay in xilliga Gaariga Carruurta uu jiirayay uu ku socday si xowli ah,isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan Darawalkii gaariga.

Dhacdooyinka la xiriira shilalka gaari ayaa mararka qaar waxa ay ka dhacaan deeaganada Soomaaliland taas oo ay ku waxyeeloobaan dad Shacab ah.