Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka wada hadlay xasilinta deegaannada lagala wareegay AS

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Safaaradda ku booqday Safiirka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Muqdisho mudane Axmed Bin Maxamed Almowlid.

Kulanka Wasiirka iyo Safiirka ayaa diiradda waxa lagu saaray sida labada dhinac Soomaaliya iyo Sacuudi ay isaga kaashan lahaayeen howlaha Wasaaradda,  gaar ahaan Xasillinta deegaannada lagala wareegay Al-Shabaab iyo dib u heshiisiinta.

May be an image of 2 people, dais and text

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahadceliyay boqortooyada Sacuudiga taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhanka dowlad iyo dal dhiska.

Safiirka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Muqdisho mudane Axmed Bin Maxamed Almowlid ayaa booqasho uu ugu yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ugu mahadceliyay.