Sucuudiga oo qorshaynaya in dib u furida safaaradiisa Muqdisho.

0

Dib-u-furida safaarada Soomaaliya ee Riyadh ayaa kamid ah qodobada looga hadlay kulan ballaaran oo Talaadada maanta ah ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumada Faderaalka ah Maxamed Xuseen Rooble.

Wadaxaajoodyadaas ayaa u dhaxeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka ah iyo wafdi ka socday boqortooyada Sacuudi Carabiya kuwaas oo booqasho aan lasii shaacin ku yimid magaala madaxda dalka.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo bixiyey tafaasiil kooban oo ku saabsan kulankan ayaa ka dhawaajiyey in wafdiga uu qaabilay wasiiru dowlaha xafiiska wasiirka koowaad Mr Cabdixakiim Xasa Ashkir.

“Kulankani ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray qabanqaabada dib u furista Safaarada Sacuudiga ee Caasimada Muqdisho, iyadoo adeegyadeedana laga soo wareejinayo caasimada Kenya ee Nairobi, iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dano wadaagga ah oo ay ku jirto siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga , dhaqanka iyo waxbarashada si looga guul keeno yididiillada iyo himilooyinka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa hooseeyay tan iyo markii 2017-kii xilka madaxweynaha loo doortay Farmaajo kaasoo isaga iyo agaasimaha sirdoonka, Fahad Yaasiin, ay gacansaar dhow la leeyihiin Qadar.

Bishii September, 2019, dowlada Sacuudiga ayaa diidey in ay aqoonsato safiir cusub oo Soomaaliya u magacaabay Riyadh kaasoo ahaa Ashirka maanta ah wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.