Suleymaan Maxamuud: “Mucaaradka ayaa la wareegay Golaha Wakiilada Somaliland”.

0

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Suleymaan Maxamuud Aadan oo maanta shir Guddoomiyay kalfadhigii 76-aad ee Golahaas ayaa sheegay in Axsaabta Mucaaradka ee Waddani & UCID ay ka badiyeen Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Tusaale waxa uu usoo qaatay Doorashadii Golaha Wakiilada Somaliland oo kuraasta ugu badan iyo shir Guddoonkaba ay isku kaashadeen Waddani & UCID taas oo meesha ka saaray hamigii Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye.

“War Xukuumaddii intii aan kala maqneyn in lagala wareegay Shir Guddoonka Guddoonka Golaha Wakiilada, kuraastii oo dhan waxaa wada qaatay Mucaaradka, adduunka dhaqankeedu sidaas ma aha, Xisbul-Xaakimkii waxba ma helin” ayuu yiri Guddoomiye Suleymaan Maxamuud.

Qaar kamid ah xubnaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa hadalkaas kaddib buuq ka furay kulanka iyaga oo muujinaya in ay kasoo horjeeday in Guddoomiyahooda wax laga xumaado ku tilmaamao in Mucaaradku la wareego hoggaaminta Aqalka Wakiilada.

Dhinac kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland waxa uu usoo jeediyay in ay ka feejignaadaan faafitaanka Covid-19, Suleymaan waxa uu codsaday in shaqada iyada oo la wado laga digtoonaado waxyaabaha sababa isu gudubka cudurka.

Mustaqbal