Antoine Griezmann ayaa diirada marake waxaa saartay kooxda Manchester United oo usoo bandhigtay lacag dhan £ 65million.
indha indheeyayaal kasocda Old Trafford ayaa daawaday xiddigan Faransiiska ah ee Atletico Madrid, ee 25 jirka ah, waxaana ay qorsheeyeen in ay soo iibsadaan.
Chelsea, Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale dooneya Griezmann, oo u dhaliyey 31 gool kooxda Spain xilli ciyaareedkan.
Laakiin United ayaa dooneysa weeraryahanka heer caalami ee Faransiiska in ay ka garab ciyaarsiiyaan wiilka Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang.
Jose Mourinho ayaa taageere weyn u ah Griezmann oo la rumeysan yahay inuu kusii Old Trafford kusoo biiri doono xagaaga dambe.
Kooxda Faransiiska ayaa xiiso u qabta 53-sano jirka Mourinho , lakiin waxaa kaloo lala xiriirinayaa Didier Deschamps haddii uu ka tago shaqada xulka Les Bleus.