Taabit Cabdi “Soomaaliya ma xamili karto waqti lumin siyaasadeed”

0

Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in xilligan aysan Soomaaliya xamili karin waqti lumin siyaasadeed, xilli muddo xileedka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay muddo 4 bilood ah.

Taabit Cabdi ayaa sheegay inuu boggaadinayo in dhammaan Maamul Goboleedyada inay aqbaleen inay Muqdisho isugu yimaadaan, isagoo ku baaqay in danta guud loo tanaasulo.

“Marka la eego halka ay maanta Soomaaliya joogto, ma xamili karto waqti lumin siyaasaddeed, jahwareer doorasho iyo xifaaltan kooxeed. Ummaddeena intaas waa ka baahi badan tahay, waana ka maamuus weyn tahay”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed.

Mar uu ka hadlayay Shirka Muqdisho ay ku yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayuu yiri “Shirka Muqdisho waa inuu noqdaa midkii gunnaanadi lahaa geedi socodkii shirrarka, doodihii arrimaha doorashooyinka iyo khilaafkii soo jiray, waana inuu xaaladda taagan si waadix ah u go’aamiyaa. Waxa qura ee la qaadan karo waa inuu shirkan kadib dalku doorasho aado, si ay shacabka, xisbiyada iyo cid walba u qaadato kaalinteeda”

“Waxaan boggaadineynaa in dhammaan dhinacyadu aqbaleen iney Muqdisho isugu yimaadaan, waxaana ku baaqeynaa in danta guud loo tanaasulo oo aan waqti kale laga lumin shacabka Soomaaliyeed ee indhaha iyo dhaggaha ku haya shanqarta siyaasiyiinta”ayuu yiri Taabit

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in wixii hadda kaddib sii jiitama ay ka marqaati kici doonaan damac liita iyo mas’uuliyad darro, taasoo ay ceebteeda qaadan doonaan cidii fasha.