Taalibaan: Cashirrada ay Shabaabka, Boko Xaraam iyo kooxaha kale ee Afrika ay ka barteen Taalibaan
Iyadoo Afghanistan ay gacanta u gashay Taliban, kooxaha Islaamiyiinta ah ee qaska ka wada Afrika ayaa sameeyay dabaal degyo.
Mid ka mid ah warbaahinnada taageera al-Shabab ayaa lagu soo qoray qoraal lagu taageerayo waxa ka dhacay Afghanistan.
Dhanka kale, hoggaamiyaha kooxda gacan saarka la leh Al-Qaacida ee Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ayaa farriintii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2019 u adeegsaday inuu ugu hambalyeeyo Taliban.
“Waynu guuleysaneynaa,” ayuu yiri Iyad Ag Ghaly, oo is barbar dhigaya ciidamada shisheeye ee laga saaray Afghanistan iyo go’aanka uu Faransiisku ku yareynayo militarigiisa ku sugan gobolka Galbeedka Afrika ee Saaxil.
Keliyana maaha dagaal yahannada Islaamiyiinta ee Afrika kuwa u guuxay isbeddelka Afghanistan.
Laga soo bilaabo Soomaaliya oo bariga ku taalla iyo Nigeria oo galbeedka ku taalla, wargeysyada ayaa daabacayay warbixinno, dadka ayaana baraha bulshada ku muujinayay walaaca ay qabaan.
Haddii ay baaq hurada ka kiciya u baahnaan lahaayeen dowladaha Afrika ee ku tiirsan quwadaha shisheeye, wuxuu ahaan lahaa qabsashada Taliban ee Afghanistan.
Cabsi ka jirta Mali
Tan iyo sanadkii 2012, Mali – oo ka mid ah dalalka ugu weyn Afrika – waxay gobolladeeda waqooyi iyo bartamaha kula dagaallameysay kooxo jihaad doon ah oo kala duwan.
Waxay ku qasbanaatay inay ku tiirsanaato ciidamada Faransiiska iyo nabad ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay si kooxahaasi looga hor istaago inay awoodda la wareegaan.
Si kastaba, joogitaanka ciidamada dalkii hore u gumeystay ayaa u cuntami weysay qaar ka mid ah dadka reer Mali, iyo waliba sidoo kale kuwo ku sugan Faransiiska.
Bishii June, Faransiiska ayaa ku dhawaaqay inuu yareyn doono tirada ciidamadiisa uuna ku soo reebi doono 2,500-3,000 wixii loo gaaro horraanta sanadka soo socda.
Waxaa jira walaac ku aaddan in ciidamada Mali, oo ah kuwo aan tababarneyn qalab fiicanna heysan, ay awoodi waayaan inay xakameeyaan kooxaha jihaad doonka ah.
“Dad badan ayaa ka cabsi qaba in xaaladdu ay la mid noqoto tan [Afghanistan],” ayuu yiri Bouraima Guindo, oo ah tifaftiraha sare ee wargeyska Le Pays oo ka soo baxa Mali.
“Joogitaanka ciidamadan shisheeye waa mid aad muhiim u ah sababtoo ah haddii ay berri baxaan, xaaladdu sidan way ka khatarsanaan doontaa.”
Sida warbaahinta kale ee Mali, Le Pays wuxuu hoggaamiyeyaasha dalkaasi ugu baaqay inay xoojiyaan ciidamada dalka.
Soomaaliya oo uu waqtigu ka dhammaanayo
Walaac ayaa sidoo kale ka taagan Soomaaliya, taas oo lagu sameeyay is barbardhigga ugu weyn ee Afghanistan.
Dowladdii Soomaaliya ayaa burburtay waxaana tobnaan sano ka socday dagaal sokeeye kahor inta aysan kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee al-Shabab aysan soo bixin sanadihii 2000.
Dowladda uu caalamku taageero ee Soomaaliya ayaa la daalaa dhacaysay sidii ay dib ugula wareegi lahayd inta badan dalka waxayna ku tiirsan tahay ciidamada Midowga Afrika.
Hadafku wuxuu ahaa in xididdada loo siibo kooxda iyadoo dowladda la siinayo waqti ay cagaheeda isugu taagto.
Balse sida Afghanistan oo kale, waxaa jira eedeymo badan oo ku saabsan musuqmaasuq. Sidoo kale waxaa jiray isku dhacyo sanadkan ka dhacay caasimadda oo ku aaddan doorashada dib loo dhigay, taas oo sababtay in qeybo ka mid ah ciidamada ammaanka ay iska hor yimaadaan.
Arrimahaan ayaa shaki geliyay mashruuca dhismaha Soomaaliya.
Ilham Gassar, oo la taliye dhanka arrimaha siyaasadda u ah howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in saaxiibbada caalamka ay diiradda saarayeen burburinta al-Shabab, ee aysan diiradda saareyn di u dhiska dalka.
“Diiraddu marnaba ma aysan saarneyn in la wanaajiyo nolosha Soomaalida lana abuuro hannaan iyo nagaasho,” ayay tiri.
Dowladda Soomaaliya ayaa laga doonayay inay hoggaamiso howlaha ammaanka wixii loo gaaro dhammaadka sanadkan, balse taasi ayaa u muuqata mid aan dhacayn sababo la xiriira su’aalaha ka taagan awoodda ciidamada.
Samira Gaid, oo ah madaxa machadka Hiraal Institute, ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay ka daran yihiin kuwa Afghanistan marka ay timaaddo iska caabbinta weerarrada kooxda.
“Ciidamada ammaanka Soomaaliya ma aysan helin 0.005% waxa ay heleen ciidamada ammaanka Afghanistan,” ayay tiri.
“Taageero la taaban karo oo ku wajahan dib u dhiska ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa aad u yareyd. Soomaaliya bandow ciidan ayaa saaran, sidaas darteed ma awoodno inaan soo iibsanno nooca hubka ay heystaan Afghanistan.”
Balse xitaa gudaha Soomaaliya diiraddu way ka wareegtay sida iyo goorta la soo afjarayo caawinaadda shisheeye.
Imaaraatka Carabta ayaa haatanba bilaabay inyy jarto deeqdiisa, dowladdana waqtiga ayaa ka dhammaanaya si ay isu diyaariso.
Xalka siyaasadeed
Sida Afghanistan oo kale, dhaqdhaqaaqyada Islamaiga ah ee Afrika ayaa ku baahay dalal hannaankooda dolwadnimo uu daciif yahay isla markaana sabool ka ah dhanka adeegyada sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Arrimahaas ayaa horseeday kacdoonka gobolka Cabo Delgado ee Mozambique, kooxo ka soo jeeda Galbeedka Afrika ayaana u adeegsaday meel ay ka shaqaaleysiiyaan dagaal yahanno ayna ka helaan taageerada shacabka.
Meelaha qaar, kooxaha kacdoonka wada ayaa waxay bulshada u fidiyeen adeegyo iyo caddaalad, taas oo ay ku kasbadeen quluubta shacabka.
Waxaa jirta aragti laga siman yahay oo ka jirta Afrika taas oo ah in howlgallada militari aysna ku filneyn wax ka qabashada howlaha xagjirnimada loona baahan yahay in wax badan laga qabto si xal siyaasadeed loo helo – xitaa haddii ay noqoto in lala xaajoodo kooxaha.
Balse Fulan Nasrullah oo ah khabiir dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in wax lala yaabo ay noqon doonto haddii koox Islaami ah oo ka jirta dal Galbeedka Afrika ku yaalla ay qabsato dal ayna qabato xukunka.
“Dadku waa inaysan Afrika iyo koox walba oo jihaad doon ah oo la xiriirin wiixi ka dhacay Afghanistan – arrimuhu way kala duwan yihiin balse waxyaabo ay isaga mid yihiin ayaa jira,” ayuu yiri.
Kooxaha ka dagaallamaya Galbeedka Afrika ma aha kuwo u hubeysan sida Taliban, waxay ka kooban yihiin maleeshiyaad kala duwan, oo ujeeddadoodu ay mararka qaar isku mid tahay balse aysan mar walba ahayn iyadoo ay soo bateen kooxaha xiriirka la leh ururrada IS iyo al-Qaacida ee dhexdooda is dagaalaya.
Kooxaha Islaamiga ah ee Galbeedka Afrika “waxay ka howlgalaan dal daciif ah, balse way ka sii daciifsan yihiin dalalka daciifka ah”, ayuu yiri Nasrullah.
Casharrada laga baran karo
Weli lama ogaan karo sida waxa ka soo cusboonaaday Afghanistan ay u saameyn karaan siyaasadda Afrika. Balse waxaa la hadal hayaa wararka ku saabsan sida loogu diyaar garoobi karo ka bixitaanka ciidamada.
Comfort Ero, oo ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah, ayaa sheegtay inay jiraan “casharro deg deg ah” too laga baran karo.
Waxay sheegtay “inay jiraan dowlado uu musuqu hareeyay, aad ugu tiirsan taageerada shisheeye, kalsooni badanna aan gudaha dalka ka heysan, sidaas darteedna marka lagala laabto taageerada caalamka, taasna ay ka dhalaneyso dowlado aan waxba qaban karin”.
Iyadoo ay soo baxeen muuqaallo iyo sawirro muujinaya dad doonaya inay ka baxsadaan Afghanistan, Gaid ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in beesha caalamka ay ka digtoonaan doonaan in xaalado kuwaas oo kale ah aysan ka dhicin dalalka kale sida Soomaaliya.