Taliska Ciidanka Asluubta oo ku soo bandhigay Muqdisho ku dhawaad 120 Caruur kuwaas oo ku noolaa waddooyinka Caasimadda.

0

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku soo bandhigay ku dhawaad 120 Caruur oo isugu jiraan Dabri Jiif iyo kuwa isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Hawlgal ay ka sameeyeen Ciidanka Asluubta degmooyinka Waaberi, Xamer Jajab iyo Xamer weyne ayee ku soo qab-qabteen Caruurtaan oo isticmaasha waxyaabaha maanka dooriya sida Xashiishka iyo kooloda.

Goobta lagu soo bandhigayay dhalinyarradaan oo aheed xarunta xabisga dhexe ee Muqdisha ayaa waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan asiga oo sheegay in l dejinaayo goob amaan ah oo ay ka heli karaan wax yaabaha ay u baahan yihiin.

Madaxa hooggaanka Ciidanka Asluubta Gen Maxamed Axmed Sabtow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Caruurtaan loo sameen doona gooba ay wax ku bartaan kuwaas oo ka heli doonaan Caafimaad.

Ugu dambeen Afhayeenka Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in ay hawlgallada ay sii wadi doonaan.