Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-Shabaab

0

Taliska Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal Al-Shabaab kula galeen deegaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo.

Taliyaha qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Sareeye Guuto Maxamed Sheekh C/llaahi ayaa sheegay in ciidanka ay iska difaaceen weerar Al-Shabaab ku soo qaadeen, ayna khasaare gaarsiiyeen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ku dhowaad 12 maleeshiyo ka dileen Al-Shabaab, kana dhaawaceen tiro intaas ka badan.

Taliyaha oo gaaray deegaanka Daynuunay ayaa sheegay in ciidamada ay ka war qabeen weerarka, taasna ay sababtay in iyagoo feejigan ay ka hortagaan weerarkii ay soo qaadeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar ku soo qaaday deegaanka Daynuunay oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka, waxaana deegaankaas u jiraa Baydhabo qiyaastii illaa 30KM.