Taliska CXD oo sheegay in laga hortagay Qaraxyo Al-Shabaab la damacsaneed Guriceel.

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgal ka dhacay Guriceel looga hortagay qaraxyo Al-Shabaab la damacsaneed Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Odowaa ayaa sheegay in howlgalkaas wadajir ay u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka & kuwa Daraawiishta DG Galmudug, 7 ruux oo uu ku jiro madaxa Al-Shabaab u qaabilsan Guriceel ayuu sheegay Taliye Odowaa in lagu dilay howlgalka.

Gaari noociisu yahay (Toyota Surf) ayuu sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf in ay wateen xubnaha katirsan Al-Shabaab ee “damacsanaa in qaraxyo ay ka fuliyaan” Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay baxsadeen saddex dagaalame oo katirsan Al-Shabaab inta uu socday howlgalka balse ciidamada Xoogga & Daraawiishta Galmudug ay ku raad-joogaan sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa khaajiriyay 7 xubnood oo uu ku jiro horjoogihii Al-Shabaab ee Magaalada Guriceel iyo lex kale oo la socotay, waxa ay wateen Gaari Surf ah & Jaakado kuwa qaraxyada lagu fuliyo, Ciidamada ayaa ku raad-jooga saddex kale oo ka baxsatay gacantooda” ayuu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf.

Guriceel waxaa ku sugan Ciidamo Militari ah oo intooda badan Muqdisho laga qaaday dabayaaqadkii October 2021 waxaana xiligaas Magaalada ka socday dagaal u dhaxeeyay Daraawiishta Galmudug oo garab ka helaya kuwa Federaalka & Xoogaggii Ahlu Sunna.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ay uga hadlayaan sheegashada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee ah in uu kahortagay qaraxyo lagu beegsan rabay Degmada Guriceel isla markaana la dilay 7 ruux oo uu ku jiro Madaxa u qaabilsanaa Guriceel.

Gobolka Galgaduud waxaa todobaadyadii dambe ku kordhay dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda oo ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Al-Shabaab, dhinacyadaan ayaa guullo kala sheeganaya.