Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka hadlay qaabkii Maxaabiista ku heleen Hubka

0

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii galabta ilaa caawa ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliyaha ayaa sheegay in Maxabiistii shaqeyneysay ee Raashinka karsaneysay ay askari gudaha kula jira Qorigii la qabsadeen oo ka qaateen, kadibna markii qoriga gacantooda galay ay toogteen askari kale oo ilaalo ka ahaa dusha sare ee xabsiga, kaasoo dhulka kusoo dhacay, qorigiina ay ka qaateen.

“Laba qori ayaa gacantooda sidaas ku galay, waxayna bilaabeen dagaal.. dagaalka dhacay waa noocaas… dhibaato badan baa ka dhalatay mar haddii gudaha xabad ka bilaabatay dagaalka wuxuu keenay dhamasho iyo dhaawac..” ayuu yiri taliyaha ciidamada Asluubta oo sheegay in arrintii ay dhammaatay.

Taliyaha Ciidmaada Asluubta oo u warramay TV-ga dowladda ayaan bixin faahfaahin kale, waxaana ka muuqatay xaalad aan deganeyn.