Taliyaha Ciidanka Kenya u qaabilsan AMISOM oo kormeer qarsoodi ah ku tagay Xeryaha KDF .

0

Taliyaha qaybta 2-aad ee AMISOM Jeff Nyagah ayaa kormeer labo cishe ah ku tagay Xeryo Ciidamada Kenya ee ku howlgalka Magaca Midowga Afrika ku tagay saldhigyada kala ah Kubiyoow, Raaskaambooni, Kuday, Cabdalla Biroole, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Kismaayo oo mas’uul ay ka yihiin sugidda amnigooda.

Image

Taliyaha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Ciidamada difaaca Kenya KDF ee ku sugan Dhammaan Xarumaha uu tagay isaga oo ku amaanay qaabka ay uga shaqeynayaan mas’uuliyadda amni ee saaran.

Image

Waxa uu ku bogaadiyay in ay waajibaadkooda kordhiyaan si ay uga soo baxaan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Degmooyinka, xarumaha Muhiimka iyo goobaha kale ay ka joogaan Gobolka Jubada Hoose ee DG Jubbaland.

Image

War kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu xaqiijiyay in taliyaha uu dhameystay kormeerkiisa labada cishe ah isaga oo ku qiimeeyay Askarta difaaca Kenya ee ku howlgasha Magaca AMISOM.

Image

Taliyaha waxa uu la kulmay sarkaal sare oo katirsan Ciidamada Badda Mareykanka oo saldhig ku leh Garoonka Diyaaradaha Kismaayo inkasta oo aan la baahinta xogta wadahadalkooda sida ku xusan warka kasoo baxay AMISOM.

Saraakiisha iyo madaxda Kenya waxa ay socdaal qarsoodi ah ku tagaan xeryaha ciidamada KDF ay ku leeyihiin Gobollada Jubbooyinka & Gedo waxaana faah-faahinta safarkooda la sheegaa marka ay soo idleeyaan, taasi waxaa loo saleeyay sababo dhanka Amniga ah.

Mustaqbal