Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo ka badbaaday qarax ka dhacay Janaale

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo miino oo lagu soo xiray labo neef oo lo’ ah lagu weeraray Kolonyo uu la socday taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in qaraxaas uu ka badbaaday Taliyaha, ayna u adeegsadeen Al-Shabaab labo neef oo lo’ ah.

Qaraxa oo dhacay shalay gelinkii dambe ayaa la sheegay in aanu wax khasaare ah ka dhalan, isla markaana Ciidamada ay ka shakiyeen xoolaha lagu soo xiray waxyaabaha qarxa.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, iyagoo intaa ku daray inuu si dirqi ah uga badbaaday Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge.

Taliyaha iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa ku sugan deegaanka Janaale, iyagoo kormeeraya deegaanka iyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa todobaadki hore la wareegay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana deegaanada ku dhow dhow ka socda howlgallo ay ciidanka ku adkeynayaan gacanta ku heynta deegaanka.