Taliye Odowaa oo kormeeraya Xarumaha iyo Askarta qaybta 21-aad CXDS.

0

Odowaa Yuususf Raage Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiil kale oo la socotay oo shalay Gelinkii dambe gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa Shalay kormeeraya Xarumaha Ciidan ee taliska qaybta 21-aad ku leeyihiin Galgaduud. Si gaar ah waxa uu u tagayaa Xeryaha ku yaalla Duleedyada Dhuusamareeb iyo Guriceel, halkaas oo ku xareysan yihiin Ciidamo qaarkood muddooyinkii tababar ciidan la siinayay iyo kuwo loo diyaariyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab. Xalay Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Taliye Odowaa iyo saraakiisha qaybta 21-aad, inkasta oo aan lasoo bandhigin waxyaabaha ay kawada hadleen, balse saraakiisha qaar ayaa sheegay in diiradda lagu saaray dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Xubno katirsan Taliska 21-aad ayaa Taliyaha la wadaagay howlgalkii dhawaan ay ku tageen deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Mudug, diyaargarowga Ciidamada, hubka iyo Gaadiidka ay ku howlgalayaan. Saraakiisha iyo askarta howlgalka loo qorsheeyay Howlgalka waxa ay isugu jiraan saraakiil horay ugu tirsaneed Maamulkii Ahlu sunna ee lagu qarameeyay heshiiskii dhexmaray Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Hoggaankii Maamulkaas iyo kuwo kale oo taliska muddo katirsan. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa dhawaan sheegay in shaqada ugu badan Maamulkiisa uu qabanayo uu yahay sugidda Amniga, gacan ku dhigista deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo gaarsiinta Dowlad Goboleedka Guud ahaan Galmudug.