Tirada dadka u dhimanaya iyo kuwo uu soo ridanayo cudurka Corono oo korortay

0

Tirada dadka u dhimanaysa cudurka Coronvirus ayaa sii kordhaysa iyadoo sidoo kale dadka uu soo ridanayo ay korortay.

Gobolka Hubei ee dalka Shiinaha ayaa shalay oo kaliya waxaa ugu geeriyootay cudurkan dad gaaraya 242 iyadoo tiradaa ay tahay tii ugu badneyd ee hal maalin ay u dhintaan cudurkan.

Sidoo kale dadka uu soo ridanayo cudurkan ayaa korortay iyadoo la sheegay in laga helay cudurkan dad gaaraya 14,840 oo ruux.

Dowlada Shiinaha ayaa shaqadii ka eriday labo mas’uul oo ka mid ah madaxda gobolka Hubei.

Hase yeeshee tirada dadka uu soo ridanayo cudurkan ayaa hoos u dhacaysay marka laga reebo shalay oo ay aad u korodhay.

Guud ahaan tirada dadka ee u dhimatay cudurkan ayaa waxa ay gaartay 1,350 halka dadka uu cudurkan ku dhacayna ay gaarayaan 60,000.