Massimiliano Allegri, macallinka Juventus la qaaday horyaalka Talyaaniga ayaa la hadal-hayaa inuu xiriir hoose la yeeshay Man United oo muddo daba-socotay.
Bianconeri ayaa dhowaan sheegtay inay qandaraas cusub ku abaal-marin doonto hogaamiyahan reer Talyaani kasoo isna sheegay inuu jacel yahay kasii shaqeynta Serie A-da.
War-sidaha The Sun ayaa sheegaya in wakiilo ka socda Man United ay xod-xodasho ku hayaan Allegri,waxaase xusid mudan yahay inuu ka cago-jiidayo Premier League-ga.
Si waliba, warkan ayaa naxdin ku noqonaya Jose Mourinho oo muddo raajicinayay maamulka Red Devils oo dooneyso inay cirka u fiiriso Louis Van Gaal.