Trump oo loo haysto in mudo sanooyin ah uusan bixin wax canshuur ah.

0

Wargayska New York Times ayaa wariyay in madawaynaha Mareykanka Donald Trump uusan bixin wax canshuur ah mudo sanooyin ah.

Wargaysku waxa uu sheegay in Trump kaliya canshuur ahaan uu u bixiyay $750 sanadkii 2016’kii oo uu ku jiray ololo doorasho iyo sanadkii ugu horeeyay ee uu xafiiska yimid.

Warbixinta wargayska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Trump iyo shirkadihiisa ganacsi ay qariyeen canshuur badan oo laga rabay in ay bixiyaan iyadoona 15’kii sano ee lasoo dhaafay 10 kamid ah loo haysto Trump in uusan bixin wax canshuur ah.

Donald Trump ayaa ku tilmaamay warbixinta wargayska mid been abuur ah.

Trump waxa uu noqanayaa madaxwaynihii ugu horeeyay oo Mareykan ah oo diida in uu cadeeyo canshuuraha uu bixiyay tan iyo 1970’kii.