Trump waxa uu Cafis ku daayay La taliyihiisa Ololaha oo Musuq loo xiray!

0

Donald Trump Madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka ayaa cafis u sameeyay dad u xiran dambiyo kala duwan waxaana kamid ah Steve Bannon oo ahaa La taliyihii Trump xiligii ololaha Doorashada 2016-kii.

Steve waxaa loo xiray in uu musuq (Wax is daba-marin) ku sameeyay lacagta ololaha gidaarka (Darbiga) kala qaybinaya Mareykanka & Mexico sida ay sheegtay waaxda dacwadda kusoo oogtay ninkaan ka faaiideystay cafiska Donald Trump.

Bannon waxaa ka mamnuuc ah in uu ku safro diyaaradaha gaarka isaga oo aan warqad ka heysan Maxkamad, waxaana lala soconayaa dhaqdhaqaaqiisa, maadaama uu lagu eedeeyay xatooyo xoola-qaran.

Sidoo kale waxa uu Trump Cafiyay 70-ruux oo kiisas kala duwan u xiran kuwaas oo qaatay maalmo maxbuusnimo kadib markii jeelka la dhigay, haseyeeshee waxaa xabsiga ka furay Donald Trump.

Kiisaska aan u waji wanaagsaneen Trump ayaa sii kordhay, waxaana shaashadaha ka muuqda weerarkii labo todobaad kahor taageerayaashiisa ay ku qaadeen Dhismaha Capitol Hill oo dad badan loo xiray halka kuwa kale lagu daba-joogo.

Maanta oo Arbaco ah waxaa Xilka Madaxweynaha Mareykanka si rasmi ah ula wareegaya Joe Biden oo ku guuleystay Doorasho ka dhacday Dalkaas November 2020, waxaa horyaalla raranka Siyaasadeed uu ka tagay Donald Trump.

Isha: CNN  /  Mustaqbal.