Uganda oo Ciidan u diyaariysay Doorashada & Askarta oo Dad jirdil u geysatay.

0

Dalka Uganda waxaa feejignaan la geliyay Ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan dibadbaxayo lagu taageerayo fannaanka Musharaxa ah ee doonaya in uu la tartamo Madaxweynaha ku dhawaad 40-sano talada haya.

Yoweri Museveni ayaa amar siiyay Ciidamada Booliiska, waxaana la xadiday isu socodka dadka oo bilooyinkii dambe aan jirin wax dhaq-dhaqaaq ah wixii ka dambeeya 9-ka Fiidnimo waqtiga dalkaas, sabab la xiriirta kahortagga faafitaanka Covid-19.

Image

Qaar kamid ah Soomaalida danaha kala duwan u joogta Uganda ayaa Mustaqbal u sheegtay in ay cabsi ka qabaan isku dhac ka dhasha doorashada oo saameyn taban ku reeba dadka ajaanibta ah oo ay qayb ka yihiin.

Madaxweynaha Musharaxa ah ee Museveni ayaa gelinkii dambe ee isniinta la kulmay ilaa Lex Danjire oo ka kala socday Dalalka Netherlands, Masar, Mareykanka, Japan, Boqortooyada Sacuudi Carabiya & Boqortooyada Ingiriiska.

War kasoo baxay Madaxtooyada Uganda ayaa lagu sheegay in Danjirayaasha uu qaabilay Yoweri in uu kala hadlay xaaladda dalkiisa, arrimaha Caalamka & qodobo kale oo ay isla meel dhigeen sida hadalka loo dhigay.

Musharaxa 38-jirka ah ee cadaadiska ku haya Yoweri Museveni oo lagu magacaabo Robert Kyagulanyi Ssentamu balse dadka ay u garan og yihiin Bobi Wine ayaa ah heesaa inta badan taageero ka heysta dhalinyarada dooneysa isbadalka.

Image

Waxa uu Ciidamada ammaanka dalkiisa ku eedeeyay in ay garaaceen qaar kamid ah taageerayaashiisa, waxaana uu ku baaqay in doorasho xor & xalaal ah lagu qabto Uganda si loo tixgeliyo rabitaanka Shacabka.

Uganda opposition presidential candidate Bobi Wine arrested - CGTN

Codeeyaasha waxaa lagu qiyaasayaa in ay gaarayaan 17.6 Milyan oo ruux, Subaxa Khamiista ayaa albaabada loo furayaa goobaha codbixinta, iyada oo la hubinayo kala fogaanta ka dhalatay Covid-19 iyo xirashada Marada afka & sanka daboosha Face Mask iyo Gacmo gashi Gloves.

Isha:  The Tower Post  /  The Afrika Report / Mustaqbal