Saraakiil katirsan Dowladda Yemen ayaa sheegay in ugu yaraan 20 ruux ay ku dhinteen tiro intaas ka badan way dhaawacmeen kaddib markii roob xooggan oo dabeylo wata isla markaana dhaliyay daadad badan uu ka da’ay Gobollada Dalkaas.
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Yemen ayaa sheegay in Dadka waxyeellada kasoo gaartay laga daweynayaa Dhaawacyada kala duwan ee jirkooda soo gaaray, waxaana jirta cabsi laga qabo in daadadka ay ku fatahaan meelo kala duwan oo dalkaas ah.
Xarunta Saadaasha Hawada Yemen ayaa xaaladda kasii dartay kaddib markii ay sheegtay in maalmaha soo socda la filayo in ay da’daan roobab ka xooggan badan kuwii dhaliyay khasaaraha kala duwan.
Waddooyinka waa weyn ee Yemen waxaa fadhiistay Biyaha ka dhashay Xareedda Roobka, halka goobaha loogu talagalay in ay ku hooraan biyuhu qaarkood buuxsameen, taasi waxa ay dhalisay welwel la xiriira in meelaha qaar biyo degeen noqdaan.
Gobolka Shabwa ee dhaca Koofur Bari waxaa tog biyaha isugu tagaan ku qaraqmay Haweeney & carruurteeda, daadadka ayaa la sheegay in meelaha qaar ay awood ku jiiteen Dadkii socday iyo Gaadiidka waxaana suuragal ah in khasaaraha uu ka kordho inta uu gaarsiisan yahay.