UK: 256-ruux oo si dhammeystiran u qaatay Tallaalka Covid-19 oo geeriyooday Coronavirus.

0

Qiimeyn lagu sameeyay dadka u dhintay Covid-19 ee qaatay Tallaalka Dhammeystiran dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in 6-dii Bil u dambeysay in ay gaarayaan 256-ruux oo kamid ah 50 kun oo qof oo qaatay Tallaalka.

Waaxda Britain u qaabilsan tallaalka & la socodka Bukaannada qaatay ee UK ayaa soo gudbisay tirokoob ay ku sameeyeen dadka Cudurka uu ku dhacay una geeriyooday kaddib markii si dhammeystiran ay u qaateen Tallaalka.

Lexdii bil u dambeysay waxaa UK la tallaalay dad aad u badan, Dowladda ayaa soo rogtay amar ah in qof weliba uu qaato tallaalkaas si jirkiisa uu u helo difaac ku filan oo kahor tag ku sameeya Fayruska gallaaftay nolosha Dad badan.

The Independent ayaa ogaatay in ay jiraan kiisas cusub oo Covid-19 ah oo laga helay qaar kamid ah dadkii qaatay Tallaalka, kiisaskooda uma badna sida dadka aan qaadan oo kale sida lagu sheegay macluumaadkaan lagu daabacay Shabakadda.

UK waxa ay ku jirtaa Booska 4-aad ee kala sareynta dalalka ugu badan ee laga helay Coronavirus tan & markii uu soo shaac baxay, 7,226,276 (Todobo Milyan, labo boqol, Labaatan & lex kun, labo boqol, todobaatan & lex ruux), Dadka u dhintay guud ahaan 134,200 (Boqol, soddon & afar kun & labo boqol).

Mustaqbal