Sanduuqa Taakulada Carruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa warbixin uu soosaaray Maanta oo Isniin ah waxa uu uga hadlay xaaladda caafimaad darro, biyo la’aanta heysata Carruur ku nool Qaaradda Afrika & dhibaatooyinka kale ee heysata carruurtaas.
Warbixinta UNICEF waxaa lagu sheegay in 190 Milyan oo Carruur ah oo ku nool 10 waddan oo Afrika ah ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah si naftooda looga badbaadiyo halista ay galayaan waa sida hadalka loo dhigay.
UNICEF ayaa sheegtay in ka badan kun Carruur oo da’doodu ka yar tahay 5-shano maalin weliba ay ku dhintaan Dunida iyaga oo sababsanaya Caafimaad darro, helista Biyo wanaagsan iyo daryeelka ay u baahan yihiin.
Tobanka Dal ee liiskaan kusoo baxay waxa ay kala yihiin: Benin, Burkina Faso, Cameroon, Jamhuriyadda Chad, Cote d’Ivoire (Ivory Coast), Guine, Mali, Niger, Niger, Somalia, Galbeedka & Bartamaha Qaaradda Afrika.
Qaramada Midoobay ayaa Maalinta ah Arbacada (22ka Maarso 2023) fadhi gaar ah ka leh qorshaha helista biyo nadiif ah 2030 si meesha looga saaro halista welwelka badan ku heysa kumaan ruux oo ka cabsi qabana in ay u dhintaan xannuuno ka dhasha biyaha aanay wanaagsaneen.
“Shirka Arbacada ee Qaramada Midoobay 2023 ee ka dhacaya New York waxaa looga hadlayaa dib u eegista qorshaha caalamiga ah ee yoolkiisu yahay sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah 2030 si xasiloon oo laga wada qaybqaadan karo, labo Bilyan oo qof oo dunida ku nool hal ama afar ma helaan biyo nadiif ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxa UNICEF.
Helista biyaha nadiifka ah waa sahan raad-raaciisu ku dheeraaday waddamo badan oo Afrika sababta ugu wacan in aysan gaari Karin yoolkaas oo danaha duruufaha dhaqaalaha ah & agabka ay u baahan yihiin ayaa ka reebaya.