Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO), ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Soomaaliya, oo hadda la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Soomaaliya kolkii hore ku soo shaqeyn jirtay heerka Class G.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii sanadkii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada, oo ugu dambeesay markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee uu Hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, waxaana xilligaas loo wareejiyay magaaladan Nairobi ee Dalka Kenya.
Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Dulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cismaan oo qoraal ay soo dhigtay Fecebook ayaa waxa ay ciwaan uga dhigtay; Hambalyo Qaranka iyo Umadda Soomaaliyeed
“Sharaf ayay ii tahay in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qaranka la wadaago guusha weyn ee taariikhiga ah ee hawada Soomaaliya oo caawa saacado marka ay tahay 12:00 saqda dhexe ah 26ka Janaayo 2023 , si rasmi ugu wareegi doonta heerka ugu sarreeya ee Darajada (Class A).
Waa dhacdo weyn oo wax ka tiri doonta badqabka Hawada iyo amniga marinnada hawada ee ugu mashquulka badan gobolka iyo caalamka. Sidoo kale , wuxuu hannaankan gacan ka geysan doonaa korarka Dhaqaalaha ee dalkeenna.
Waxaa u mahadcelinayaa hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’adeenna Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay, 30 sanno kaddib dalkeenna uu la soo wareegay maamulka Hawada .
Waxaan kale u mahadceliyaa hay’adaha iyo ururrada caalamiga ee wada shaqeynta iyo iskaashiga wadaaga ah ee aan ku gaarnay darajadan, kuwaa oo ay ugu horreeyaan ICAO iyo IATA.” Ayee ku soo gabagabeesay qoraalkeeda.
Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan, ayaan sheegay in darajada heerka A, ay u saamaxayso dowladda Soomaaliya, in ay si toosa awaamiir u siin karaan diyaaradaha caalamiga, iyadoo aaney taasi kolkii hore awood u lahayn.
Sannadkii 1991-kii, waxaa joogsaday howlihii diyaaradda Somali Airlines. Inkasta oo ay dawladihii dalka soo maray ay balan qaadeen in dib loo soo noolayn doono shirkadii duulimaadyada, haddana taasi ilaa hadda ma muuqato.
Laakiin sida shirkadaha gaarka loo leeyahay ay buuxiyeen booskii isgaarsiinta, biyaha iyo adeegyada korontada, ayaa shirkadaha diyaaradaha ee gaarka loo leeyahay waxay u istaageen in ay bixiyaan adeegyo gudaha ah iyo duulimaadyo ay ku tagaan gobollada Dalka, Bariga Afrika iyo dalalka Khaliijka.