VIDEO: Yoweri Museveni oo 31 Sano Udabaal degay Xukunka Dalkaas uu Hayo

0

Munaasabad ballaaran ayaa waxay ka dhacday Waddanka Ugandha oo loogu dabaal degayey 31 Sano guurada kasoo wareegtay markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Dalkaasi.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa waxa uu Khudbad Xasaasi aheyd ka jeediyey Deegaanka Masindi Ee Ku taalla Galbeedka Ugandha oo Boqolaal Qof ay kasoo qeyb galeen.

Waxa sidoo kale lasoo sheegayaa in uu ballan qaaday Hogaamin Wanaagsan inuu sameyn doono mudada sanadaha ah ee Xilka uu sii heyn doono xilli Xisbiga NRM uu Yoweri Museveni katirsan yahay ay xubnaha ku jira Sacab tumayeen inta khudbada socotay.

Amaanka,Hormarinta Siyaasada,ganacsiga iyo Taageerida Dalalka kale Ee Dhibaatada ka jiraan ayuu khudbadiisa kusoo hadal qaaday,iyo Arimaha Shaqo Abuurka Waddanka laga sameeyey.

Yoweri Museveni Waa mid ka mid ah ah Hogaamiyeyaasha ugu Xukunka Dheer Ee Africa maamulayey.

Waxaa Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Muqdisho-Somalia

E-mail: Xasann18@gmail.com

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA KHUDBADA MADAXWEYNAHA UGANDHA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here