Waa maxay sababta baajisay Shirkii ay ku ballansanaayeen Madaxda Dowlad-Goboleedyada?

0
????????????????????????????????????

Dib u dhac ayaa ku yimid shirka wadajirka ay u iclaaamiyeen Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada in ay isugu tagaan Magaalada Garoowe 21-ka ilaa 23-ka September 2021 sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo ku dhaw kulanka.

Sababta keentay baaqashada waxaa lagu sheegay in soo jeedin ka timid Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

Qoor-Qoor & Rooble ayaa kawada hadlay sidii shirka loo ballaarin lahaa isla markaana uu u guddoomin lahaa Wasiirka Koowaad ee XFS si ay isaga xog-wareystaan Doorashooyinka qabsoomay, halka ay wax marayaan & welwelka Madaxda Dowlad-Goboleedyada ay ka qabaan in khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo uu saameeyo Doorashada.

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa la kulanka Rooble kaddib Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada ku wargeliyay in la baajiyo shirkooda si kulanka loo ballaariyo aanay laga maarmin ka qaybgelinta Wasiirka Koowaad ee XFS.

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxa uu Magaalada Muqdisho ka wadaa kulamo uu dib ugu abaabulayo wadahadalkii dhicisoobay ee uu xalka ugu raadinayo Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamamaday & Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Mustaqbal