Wadahadalkii Rooble & Farmaajo oo natiijo la’aan lagu kala tagay.

0

Wadahadalkii saacadaha socday una dhaxeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo idlaaday Natiijo la’aan.

Ilo ku dhaw kulanka Rooble iyo Farmaajo ayaa Mustaqbal u sheegay in dhowr shuruud oo ay is hordhigeen ay adkaatay in laga gudbo waxaana kamid ah magacaabista Agaasimaha NISA, Kiiska Ikraan Tahliil & qodobo kale.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale isku qabtay awoodda maamulka Amniga.

Farmaajo ayaa Rooble u sheegay in amniga loo kala qaado mid guud & kan Doorashada, ammaanka guud uu Madaxweynaha mas’uul ka yahay, halka Doorashada iyo sugidda nabadgalyadeeda laga rabo Wasiirka Koowaad ee XFS.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed & Galmudug oo sabab u ah isu keenidda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa markale isku dayay in ay is hor fadhiisiyaan Farmaajo iyo Rooble si looga gudbo caqabadaha taagan.

La soco wixii kasoo kordha.

Mustaqbal