Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay Imaaraadka Carabta

0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Libaax Ibraahim, Wakiilka Soomaaliya ee Hey’adda Caalamiga ee Tamarta is cusbooneysiisa Eng. Cumar Shuuriye ayaa magaalada Abu Dhabi uga qeyb galay Shirweynaha Sanadlaha ee Hey’adda Tamarta Is-cusbooneysa.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qeyb galay wafuud gaareysa 1,500 oo ka kala socday illaa 160 dowladood, Hey’adaha gaarka loo leeyahay iyo Ururo Bulsho, waxaana shirka diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira horumarka laga sameeyo tamarta Caalamka.

Wasiir kuxigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax ayaa sheegay in shirkaasi uu muhiimad gaar ah u lahaa Soomaaliya, ayna ka faa’ideysan doonaan waxyaabo badan oo la xiriira dhinaca tamarta.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in waxyaabaha la isla gorgeeyay ay ka mid tahay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta dowladaha xubinta ka ah Hey’adda caalamiga ah ee Tamarta is cusbooneysiisa, sidii loo joogteyn lahaa horumarka iyo ka faa’ideysiga kheyraadka Tamarta, lana is dhaafsado khibradaha iyo aqoonta dhinaca Tamarta.

Wafdigan ka socda Xukuumadda ayaa noqonaya wafdigii u horeeyay ee shir uga qeyb gala Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii u dambeeyay aanu xiriir wanaagsan la laheyn dowladda Soomaaliya, kaddib khilaaf diblomaasiyadeed oo labada dal soo kala dhex galay sanadkii 2018.