Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wafdi oo uu Hogaaminayo oo ay ku jiraan Masuuliyiin ka tirsan hay’adda ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta u ah Dowlad Gobaleedka Puntland.
Wafdigaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa waxaa garoonka Gen Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ku soodhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.
Ujeedka Safarka Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa daaran sidii ay gargaar u gaarsiin la haayeen shacabka ku barakacay dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa maalmihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaraha ee Aadan Cadde ka soo dejisay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood, kaas oo la sheegay in ay ku dhaawacmeyn in ka badan 700 oo qof halka ay ku dhaawacmeyn ku dhawaad 200, 000 oo qof.