Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha JFS oo gaaray Magaalada London.

0

Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Landon oo ah Caasimadda Boqortooyada Ingiriiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo socdaalay Dalka Mareykanka, ayaa Magaalada Landon uga qeyb galay maalinta Berri duugta loo sameynaya Boqoraddii Ingiriiska Elizabeth II

Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madax badan oo ka qeyb galaya duugta Boqoraddii hore ee Dalkaas, Madaxda gaartay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dalka Mareykanka Join Biden isaga oo la kulmay Boqorka cusub ee Taajka ka dhaxlay Hooyadiis Queen Elizabeth ee Charles III.

Magaalada London xarunta Ingiriiska waxa ay gashay saacado mashquul ah oo waxaa dalkaas kusii qulqulaya Madaxda ka qaybgaleysa aaska loo sameynayo (Queen Elizabeth II) oo 70-sano maamulaysan Britain, taas oo geeriyootay 8 September 2022.

Duugta ka dib Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto Magaalada New York, isaga oo ka mid ah Madaxda u khudbad ka jeedineysa shirweynaha 77aad ee Golaha Loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.