WAR DEG DEG AH: Dawladda Puntland oo diidey in Qodobadii Madasha laga saaro Dhismaha Aqalka Sarre &…..

0

 

Warar cusub oo hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay wafdiga dawladda Puntland diideen markale in wax laga bedelo heshiisyadii horey loo gaaray, gaar ahaana soojeedintii u dambeysay oo ay Madaxda dawladda Faderaalku sheegeen in ay doonayaan in laga tanaasulo dhismaha Aqalka sarre ee dawladda Soomaaliya.

Saraakiil ka mid ah wafdiga dawladda Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta in ay Puntland cadeysay mawqifkeeda oo ay sheegtay in hal qodob oo kamid ah qodobadii horey loo saxiixay aan waxba laga bedeli Karin.

Soo jeedinta in laga tago Aqalka Sarre, doorashadana lagu galo hanaanka Baarlamaanka kaliya, waxaa soo jeediyey M/weynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeedka, Guddoonka baarlamaanka & Dawladda Faderaalka oo door bideyey.

In laga tago dhismaha Aqalka sare ayaa ah mid dhaawacaysa qodobadii horey loo saxiixay, taas oo haddii wax laga bedelo kalifaysa in dib loogu laabto hanaanka doorashada oo dhan, iyadoo uu hadda gabaabsi yahay waqtiga loogu talo-galey qabsoomida doorashadan.

Xildhibaano kamid ah baarlamaanka faderaalka oo kusugan Muqdisho ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in Aqalka sarre laga tanaasulo, loona baahan yahay in doorashada iyo Habraaca Jadwalka la dajiyey meelmar laga dhigo.

Ilaa hadda ma jiraan Natiijo ka soo baxday shirarka ka socda Aqalka Madaxtooyada ee Muqdisho, waxaana wada hadaladu ay qaateen waqti dheeraad ah, rajada laga qabi karo in ay guuleystaan ayaa ah mid adag, maadaama aysan u fududeyn dhinacyada qaarkood in ay tanaasul sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here