Wasiiradda iyo Xildhibaan kasoo jeedda Gobollada Sool,Sanaag iyo Togdheer ee ku jira dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa baaq ka soo saaray colaadda Degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.
11 Xildhibaan iyo Wasiir ka tirsan dowladda ayaa sheegay in degaanada lagu muransan yahay ay hoos taggaan maamulka Puntland.
Sidoo kale xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowlada ayaa dhankooda sheegay in degaanada lagu muransan yahay ay hoos taggaan maamulka Somaliland.
Labada dhinaca oo ujeedadoodu tahay ku baaqidda in Xabadda la joojiyo ayaa haddana kala aaminsan in Gobollada la isku heysto ay hoostagaan Maamullada Puntland ama Somaliland.