Wararkii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19 ee dalka Soomaaliya

0

Cudurka Covid 19 ayaa dad badan ugu geeriyooday 24kii saac ee la soo dhaafay kadib markii uu dib uga bilowday cudurka gobolo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 67 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, halka ay 8 ruux ugu geeriyoodeen cudurkan.

Wasaarada Caafimaadka ayaa warbixinta maalinlaha ee ay soo saartay ku sheegtay in hoos u dhac laga dareemayo dadka uu soo ridanayo cudurkan ee caasimada dalka Soomaaliya,
Warbixintan ayaa lagu sheegay in Puntland laga helay 33 ruux,Somaliland 15 ruux,Banaadir 14 ruux iyo Jubbaland oo 5 ruux laga helay.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 17,466 waxaa bogsootay 8,531 Ruux. guud ahaan 977 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Wasiirka Caafimaadka dowlada federalka Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka cudurka.