Wararkii ugu dambeeyay ee cudurka Covid-19 ee dalka Soomaaliya

0

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay maanta ku sheegtay in baaritaankii u dambeeyay ee cudurka Covid-19 laga helay dad gaaraya 66 ruux kuwaasoo ku kala sugan Banaadir.,Somaliland, Jubbaland iyo Puntland.

Warbixinta wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in 19 qof bogsatay,iyadoo aysan jirin cid u dhimatay cudurka.

Gobolka Banaadir ayaa laga helay 33 ruux,Somaliland 26 ruux,Puntland 7 ruux,44 ka mid ah dadka laga helay cudurka maanta ayaa 42 ay tahay rag halka 24 ay tahay dheddig.

Tirada dadka lagu helay cudurka Covid-19 ayaa gaartay 2,089 iyadoo ay ka bogsatay 380 ruux halka tirada cudurka u dhimatayna ay gaareyso 79 ruux.

Guud ahaan caalamka ayaa tan iyo dhamaadkii sanadkii hore markii uu dilaacay cudurka Covid-19 waxa uu ku dhacay dad ka badan lix malyan oo ruux halka ay u dhinteen dad gaaraya 375.000 oo ruux halka ay cudurkan ka bogsadeen dad ku dhow saddex malyan oo ruux.