Wararkii ugu Dambeeyay howgal dad badan lagu soo qabtay oo ka dhacay Sh Dhexe

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Millateriga ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka fuliyeen wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar & Balcad, halkaas oo ay ka dhaceen weeraro kala duwan.

Sabtidii Todobaadkaan ayaa waxaa Tuulada Gololeey oo ku taalla duleedka Waqooyi ee degmada Balcad ka dhacay weerar lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle iyo Ciidamo ka tirsan AMISOm gaar ahana kuwa Burundi.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda intii ay howlgalka ku jireen inay so qabqabteen dad farabadan oo isugu jira dad da’ah w iyo Dhalinyaro,kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska degmada Balcad.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Ciidamada dowladda ee howlgalka fuliyay ay wateen gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan,isla markaana howlgalka ay ka fuliyeen tuulooyink,a Isgoys, Gololeey, Raaxooy ilaa tuulada Qalimoow oo 30km dhinaca Waqooyi ka xigta degmada Balcad.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya deegaannada howlgalka laga fuliyay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degam,isla markaana Ciidamada weli ay dhaq dhaqaaq ka wadaan wadadaas.

Howlgalkaan Ciidamada Dowladda ay ka fuliyeen wadada  u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad ay todobaadkaan ka dhaceen dhowr weerar,isla markaana ay ku dhowdahay inay Mas’uuliyiinta  Go’aan.