Wariye Cali Muuse oo muddo ka soo shaqeeyay Saxaafadda ayaa ku geeriyooday Talyaaniga.

0

Allaha u naxariisto waxaa maanta Dalka Talyaaniga ku geeriyooday Cali Muuse Cabdi oo ka mid ahaa rugcaddaayasha Saaxafadda Soomaaliya, kaas oo ku soo dhex jiray muddo aad u badan.

Cali Muuse ayaa ka mid ahaa Wariyaashii ka shaqeenayay dalka markii ay burburtay Dowladdii uu Hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre. Muuse waxa uu ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay Barnaamijyada English-ka ee BBC World Service, Focus on Africa iyo Network Afrika.

Sidoo kale waxa uu muddo u soo shaqeenayay Wakaaladda wararka ee laga leeyahay Dalka Faransiiska ee loo yaqaan AFP. Waxa uu kale uu ka mid ahaa aasaasyashii Wargeysyada dalka ka bilowday horraantii 90aadkii, markii ay burburtay Dowladdii dhexe.

Afhayeenkii hore ee Xukuumadda uu hoggaaminayay Maxamed Xuseen Rooble ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka BFS, Ibraahim Mucalimuu oo ka tacsiyeey geerida Wariye Cali Muuse ayaa yiri “Cali Muuse in kasta oo aan Muqdisho Kawada shaqeynay hadana waxa uu ka mid ahaa raggii innaga horreeyay oo indhaha iyo waayo-aragga inoo ahaa.”

Sidoo kale qoraalka Xildhibaan Mucalimuu ayuu waxa uu ku sii yiri “Waxa uu ahaa nin wax badan u qabtay warariyaal badan oo caan ah oo Yurub iyo Mareykan ku nool, kuwa badan oo dhaawac noqday caawiyay. Marxuum Cali Muuse hadii uu jiro wariye waayo-arag ah oo si micno leh u soo shaqeeyay, war isaga oo waan hubaa in ay ila qabaan wariyayaashii hore.”

Madaxda ka tacsiyeesay geerida Wariye Cali Muuse waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ayuu ku yiri “Waxaan qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan bahda saxaafadda ugu tacsiyeynayaa geerida AHUN wariye Cali Muuse Cabdi. Marxuum Cali Muuse waxa uu ahaa ruug caddaa iyo xirfadle saxaafadeed oo heerkiisu sarreeeyo, waxa uuna kaalin muuqata ka soo qaatay horumarinta saxaafadda iyo gacansiinta wariyeyaasha Soomaaliyeed oo uu geedfadhi u ahaa.”

Sidoo kale madaxda ka tacsiyeesay waxaa ka mid Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-cadaala. Qoraal uu soo dhigay bartiisa ayuu Wasiir Al-cadaala ku yiri “ Ilaaheey ha unaxariisto Rugcadaagii Saxaafadeed Marxuum Cali Muuse Cabdi, waxaa uu ahaa xirfadle sare oo geesi ah. Waxaan xanuunka laqaybsanaynaa Qooyska, Qaraabada iyo saaxiibada uu ka baxay.”

Geerida ku timid AHUN wariye Cali Muuse Cabdi ayaa waxaa kalo ka tacsiyeesay Madaxda Warbaahinta, Wariyaal ay isla soo shaqeeyeen iyo bulshada qeybaheed kale.