Wasaaradda Caafimaadka oo amartay in la sii daayo afar qof oo Karantiilnaa, mid ka mid ahna laga helay Corona

0

Wasaaradda Caafimaadka ayaa go’aamisay in la sii daayo afar ruux oo horay looga shakisanaa inay qabaan Coronavirus, kuwaasoo ku karantiilnaa Isbitaalka UN/AMISOM, kaddib markii lagu waayay wax kiis ah baaritaano isdaba joog lagu sameeyay.

Mid ka mid ah afarta ruux ee karantiilnaa ayaa baaritaankii koowaad oo lagu sameeyay laga helay inuu qabo cudurka, hase ahaatee labo jeer oo isku xiga oo dib baaritaan loogu celiyay lagu waayay cudurka Coronavirus

Saddex kale ayaa labo baaritaan oo lagu sameeyay natiijadooda lagu waayo wax kiis ah, sidaas la amray in la sii daayo.

Afartan ruux oo ku karantiilnaa Isbitaalka AMISOM, ayaa magacyadooda lagu xusay qoraal ka soo baxay wasaarada caafimaadka oo luqada Englishka ku qornaa.

HALKAN HOOSE KA AQRISO QORAALKA;