Wasiir Maareeye oo Shir Muhiim ah ka furay Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shirka Wadatashiga Wasiirrada Warfaafinta Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan oo socon doona mudada Afarta cisho ee soo socota ayaa waxaa Goobjoog ka ah Wasiirrada Warfaafinta Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo ay wehliyaan Agaasimeyaashooda Guud iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta Dowladda heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sida ay u wada Shaqeyn karaan Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka jira, iyada oo geba-gabada shirkaas Warmurtiyeed laga soo saari doono.