Wasiir Maxamed “Waxba iskama beddelin Go’aanka Baarlamaanka”.

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlay BBC-da ayaa faah-faahiyay nuuca wadahadal ee Doorashooyinka Soomaaliya maadaama qodobadii salka u ahaa wada-xaajoodkii socday uu laalay Golaha Shacabka BFS 12-kii April 2021.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa beeniyay in dib loogu laabanayo go’aanka Golaha Shacabka si wadahadalka halka halkii hore oo ah Heshiiskii 17-ka September 2020 oo lagu xoojinayo is afgaradkii Baydhabo guddiyada farsamada Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir ku gaareen 16-kii Febaraayo 2021.

“Doorashadu nuuc weliba oo ay ahaato waa in ay noqotaa mid loo wada dhan yahay, waadix ah oo dadka oo dhan ku wada qanci karaan, wadahadal socda ma jiro, go’aanka Baarlamaanka uu gaaray waa mid u taal, waxna iskama bedelin, go’aankoodu waxa uu yimid kadib markii ay arkeen in aysan Natiijo kasoo socon shirarkii socday” Sidaasi waxaa yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wasiirro & La taliyaal katirsan Madaxtooyada ayaa ku guuldareystay in Madaxweynaha Congo DRC ahna hoggaamiye sanadeedka Midowga Afrika ka dhaadhiciyaan muddo kororsiga taageerada waayay.

Haddaba maxay kawada hadli karaan Madaxda muddo xileedkoodu dhammaaday & Saamileyda Siyaasadda haddii la laalay heshiiskii 17-kii September 2020?

MW Farmaajo oo ka codsaday Midowga Afrika fududeynta Wadahadalka doorashooyinka Soomaaliya.

Mustaqbal