Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Madaxda dhaqanka Laascaanod kala hadlay xasiloonida Magaaladaas.

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahir Axmed ayaa la kulmay Madaxda dhaqanka & Haldoorka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo uu kala hadlay xasiloonida Magaaladaas.

Maxamed Kaahin waxa uu Madaxda Dhaqanka & Haldoorka Magaalada Laascaanood ka dalbaday in xoojiyaan iskaashiga kala dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland si wax looga qabto rabshadaha ka dhacay Magaaladaas.

Waxa uu dhankiisa ballanqaaday in Amniga Laascaanood la adkeynayo, Hay’adaha ammaanka ayuu sheegay in waajib ka saaran yahay xasiloonida Xarunta Gobolka Sool si kala dambeyn dib loogu soo celiyo.

Agaasimaha Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdullaahi Axmed Caarshe ayaa sheegay in kulanka dhexmaray Wasiir Maxamed Kaahin, Madaxda dhaqanka & Haldoorka Laascaanood uu ku soo dhammaaday is faham.

Rabshadihii ka dhacay Magaalada Laascaanood ayaa sababay geerida ugu yaraan 20 qof & dhaawaca tiro kale, Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka, DG Puntland, Xisbiyada mucaaradka Somaliland & dhinacyo kale ayaa ku baaqay in la joojiyo rabshadahaas.