Wasiirka caddaalada: Waa arin ugub ah oo aan horey u dhicin in dil lagu xukumo askar AMISOM ah oo dad Soomaaliyeed dil u geystay

0

Wasiirka caddaalada Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in markii ugu horraysay dowladda Soomaaliya ay ku guulaystay in askar katirsan howlgalka  AMISOM oo dad shacab ah gudaha dalka lagu xukumo dil toogasho.

Wasiirka caddaalada oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay xukunka lagu riday askarta AMISOM  inuu ka turjumayo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ku bixisay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen muwadiniinteeda dhibanayaasha ah.

Wasiirka wuxuu sheegay in ay dowladda ka go’an tahay in askartaas oo labo kamid ah lagu riday xukun dil ah waajibaadkooda la marsiindoono isla markaana ay shaacin doonaan goobta lagu tooganayo.

“Waa kiis ugub ah, madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble waxay ku dadaaleen in shacabkaas ay caddaalad helaan. Dilka goobta uu ka dhacayo waa lalasoo wadaagi doonaa shacabka” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir.

Wuxuu sheegay in qoysaska dadkooda laga laayay ay dowladdu u suurto galisay in ay goob joog ka ahaadaan xukunka, si ay kalsooni u dareemaan, wuxuuna wasiirku in dowladda kasii shaqeynayso magdhow in ay helaan.

Maxkamadda AMISOM ayaa shalay xukun dil ah ku riday labo askari oo katirsan AMISOM, halka saddex kale lagu riday 30 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay in ay masuul ka ahaayeen dadkii lagu laayay Gol-weyn.