Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka waxa uu sheegay in Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Shacabka iskaashanaya ay dileen 3,000 (Saddex kun) oo xubnood oo katirsan ‘AS’.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur waxa uu tilmaamay in ‘AS’ dagaalladaas looga dhaawacay ku dhowaad 3,700 (Saddex kun & todobo boqol) oo dagaalame muddada uu socdo howlgalka Ciidamada iskaashanaya ay kawadaan Gobollada Dalka.
Ujeedka ugu weyn ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ayuu Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ku sheegay in ay yihiin dhowr qodob sida in laga qabsado deegaannada ay joogeen, in la isu furo waddada xiriirisa Muqdisho & Gobollada Dalka.
Ciidamada Federaalka, kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda & Dadka deegaanka ayuu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal u babac-dhigay sidii ay uga hortagi lahaayeen duullaanka ‘AS’ waa sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa tilmaamay in howlgalladu ay kasii soconayaan Gobollada Dalka illaa inta laga qabsanayo deegaannada ay weli joogaan ‘AS’ Waa sida uu yiri.
Abaabulka dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah ‘AS’ ayaa ka socda Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland oo aanay qayb ka ahayn wajiga 1aad ee howlgalka ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka oo ka dhacay Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug.
Muddada uu howlgalka ka socda Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug waxa ay Ciidanka iskaashanaya ee Federaalka, Daraawiishta & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay gacanta ku dhigeen Degmooyin iyo deegaanno waqti fog ay maamulayeen ‘AS’.