Wasiirka koowaad ee XFS & dhiggiisa Jabuuti oo kulan ku yeeshay Dalka Tunisia

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan Dalka Tunisia ayaa kulan gaar ah kula yeeshay madasha shirka Tunis Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Cabduqaadir  Kaamil Maxamed.

Kulanka labada Ra’iisul Wasaare ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah, kaas oo ka dhaxeeya labada Dowladood salka ku haya mid Walaaltinimo iyo Saaxiibtinimo.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti taageerada ay la garab taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kuwada sugan Caasimadda Dalka Tunisia ee Tunis iyaga oo halkaas u jooga ka qeyb galka Madasha Shirka Tokyo ee Horumarinta Afrika ee Tunisia ka dhacaya, kaas oo ay isugu yimaadayn dalal badan oo ka mid ah Qaaradda Afrika.