Wasiirrada Gargaarka heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed oo ku shiraya Kismaayo.

0

Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka heer Federaal iyo her dowlad-goboleed.

Shirka ‘Madasha Arrimaha gargaarka’ ayay Wasiiiradu isaga xog-wareysanayaan saameynta taban ay reebeen Abaaraha, fatahaadaha, colaadda iyo daadadda roobka ka dhashay si wadajir wax looga qabto dhibaatooyinkaas.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle oo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Maxamuud iyo Axmed Madoobe ayaa is dhaafsaday xogaha laga hayo arrimaha bani aadamnimo ee Dalka gaar ahaan deegaannada DG Jubbaland, qorsheynta gurmad Hay’adda SODMO siiso qoysaska barakacayaasha & dedaallada kale ee loo baahan yahay.

War kasoo baxay Madaxtooyada DG Jubbaland ayaa lagu sheegay in Wasiirrada Wasaaradaha Maareynta Musiibooyinka ay gorfeyn doonnaan sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya si wadajir wax looga qabto xaaladaha jira iyo kuwa soo kordha.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegtay in ay garab istaageyso Dadka u baahan gargaarka bani aadamnimo iyada oo kahor qiimeyn ku sameyneyso xaaladaha inta ay gaarsiisan yihiin si kaalmo u dhiganta loogu dhiibo.