Wax ka ogaaw qorshaha midowga Afrika iyo diidamada Soomaaliya!

0

Dowladda Soomaaliya ayaa khilaaf cusub ka dhex abuurtay waddamada ciidammada ka joogaan Soomaaliya kadib markii ay diidday soo jeedinno ku saabsan in wax laga beddelo howlgalka Midoga Afrika ee Soomaaliya si loo ballaariyo kaalintooda.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa Sabtidii si kulul u sheegay in Muqdisho ay gebi ahaanba diiday warbixin ka timid Midowga Afrika (AU) oo soo jeedisay afar qaab oo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) wax looga beddeli karo.

Moalimuu wuxuu tixraacayay warbixin ay qoreen Kooxda Qiimeynta Madaxa Banaan ee ku saabsan doorka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Mustaqbalka Howlgalka wixii ka dambeeya 2021-uu dhamaaday waqtiga loo kordhiyay AMISOMl, oo ku ekaa Desember 2021.

“Dowladda Soomaaliya waxay qabatay kulan heer wasiiro ah oo looga hadlayo warbixinta waxayna diiday bilowgii raadinta iyo soo jeedinta warbixinta waxayna soo saari doontaa bayaan rasmi ah,” ayuu yiri Moalimuu.

 

In kasta oo xukumadda laga sugayo in ay soo bandhigto sababaha ka dambeeya diidmada, haddana tallaabada Muqdisho waxay muujineysaa khilaaf muuqda oo kala dhexeeya shanta waddan ee ku deeqay AMISOM – Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Burundi iyo Uganda.

Ciidan Milatariga oo xoogg badan

Horraantii usbuucan, koox farsamo oo khubaro ah oo ka socota shanta dal ayaa sheegay in ay aqbaleen soo jeedinta ah in AMISOM, oo asal ahaan ahayd ciidan Milatari ah, loo beddelo ciidamo oo isku dhaf ah oo ka kooban Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo ka shaqeyn doona xasilinta guud ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan amniga, bani’aadamnimada iyo dib u dhiska siyaasadeed ee dalka.

“Wadahadalkii xigay, khubaradii farsamada ee AMISOM (Troop contributing Countries) Wadamada ku deeqay Ciidama waxay ogaadeen in xakamaynta halista nabadgalyada iyo amaanka Soomaaliya ay wali jirto,” kooxda farsamada ayaa bayaan ku sheegay kadib kulan ay ku yeesheen Nairobi Axadii lasoo dhaafay.

“Gaar ahaan, khubarada farsamada waxay ka xumaadeen in Soomaaliya ay khatar ku noqotay nabadda iyo amniga caalamiga sababo la xiriira deganaansho la’aanta joogtada ah ee ka jirta dalkaas, xaalad ay uga sii dartay oo nafaqeysay jiritaanka xubno argagixiso ah oo ka jira Soomaaliya.” Ayay lagu qoray warbixinta.

Guddiga madaxa bannaan ee Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo sarkaal ka tirsan millatariga Koonfur Afrika, Maj-Gen Xolani Mankayi, ayaa soo jeediyay afar ikhtiyaar oo ay ku shaqayso AMISOM ka hor dhammaadka waajibaadkooda bisha Decembar.

Qodob ka mid ah ayaa ahaa in si buuxda loogu gudbo howlgalka xasilinta ee dhinacyada kala duwan ee AU-UN oo la geeyay cutubka 7aad ee Axdiga Qaramada Midoobay ee ku saabsan halista nabadgelyada iyo amniga adduunka. Kooxda ayaa sheegtay in tani ay bixin doonto “qaab dhameystiran, oo ka baxsan hannaanka amniga iyo xasilinta” taasoo ahayd amarkii ugu horreeyay ee AMISOM laga soo bilaabo xilligii la abuuray 2007.

“Qeybta amniga wuxuu ka koobnaan doona qeybaha hada ka howlgala AMISOM, iyadoo lagu qiimeynayo awoodooda waana lagu kordhin doonaa hadba sida ay lagama maarmaanka u tahay ka jawaab celinta xaqiiqooyinka cusub sida furitaanka qeybaha cusub” Sida ku xusan bayaankooda.

Isku dheelitirnaan sax ah

“Howlgalka waxaa lagu dhisi doonaa isku dheelitirka saxda ah ee awooda rayidka, booliska iyo milatariga, oo ay ku jiraan Rapid Strike Force (RSF), iyo guutooyin faragelin ah oo loogu talagalay shuruudaha hawlgalka gaarka ah ee deegaanka Soomaaliya, oo la aasaasayo ka dib qiimeyn istiraatiijiyadeed oo wadajir ah ee Midowga Afrika iyo UN, qorshaynta iyo sidoo kale go’aan qaadashada iskaashi, oo ay weheliyaan wakiilo ka socda xoogag karti leh iyo dalal booliiska gacan ka geysta.” Ayaa lagu bayaanka.

Qodobka 2aad, kooxda waxay soo jeedinayaan in AMISOM dib loogu habeeyo taageerida xasiloonida midowga Afrika ee dhinacyada badan leh ee Soomaaliya, taas oo soo afjari doonta doorka howlgalka sida xoog dagaal iyadoo lagu darayo qeyb siyaasadeed oo xoogan oo ay hogaamineyso AU laakiin la shaqeynta UN. Si kastaba ha noqotee, tani waxay wajihi kartaa dhibaatooyin dhaqaale maadaama aysan jirin ilo dhaqaale oo joogto ah oo ka baxsan kan UN-ka.

Kooxda ayaa sheegtay in qodobkaan ay suurtagal ku tahay oo kali ah maalgelin “la saadaalin karo oo waari karta” oo laga soo qaatay UNSC loona igmaday oggolaansho iyadoo la raacayo tabarucaadka ay qiimeysay UN-ka.

Qodobka 3aad, waa in AMISOM ay isu bedesho ciidan heegan goboleed, oo ku saleysan qaab dhismeedka amniga ee AU. Dhaqan ahaan, qaabdhismeedka noocan oo kale ah wuxuu qaatay xoogagga heeganka ah ee ay abuureen ururada dhaqaalaha gobolka. Tani waxay ka dhigan tahay in dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya ay u beddeli karaan kuwo gaar ah oo ka yimaada dalalkaas oo ay gobol wadaag la yihiin Soomaaliya, sida ku mideysan Urur Goboleedka IGAD. Waxay ka dhigan tahay in waddamada gobolku ay waajib keli ah ka saaran yihiin abaabulka qalabka loo baahan yahay in la geeyo ciidan noocaas ah.

Ka baxa Soomaaliya gebi ahaanba.

Maqnaanshaha waxaas oo dhan, kooxda Midowga Afrika waxay soo jeediyeen in Amisom gabi ahaanba laga saaro Soomaaliya, taasoo qaadan karta illaa lix bilood laga bilaabo Decembar. Waxay sheegtay in tani ay ka dhalan karto kalsooni xumada u dhaxeysa Amisom iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Diidmada Soomaaliya ee warbixinta ayaa timid iyadoo kooxda AU ay ku eedeysay Muqdisho in ay ku fashilantay dadaalkeeda ku aadan soo uruurinta fikradaha ku saabsan mustaqbalka AMISOM. Dowladda federaalka, kama jawaabin eedaynta warbixinta, sidoo kale kama aysan jawaabin su’aalaha ilaa markii ay kooxda dhammeysay warbixinta “oo farriin u direysa in ku lug lahaanshaha Midowga Afrika ee Soomaaliya aysan soo dhaweynin jilayaasha siyaasadeed”.

Guud ahaan, kooxda AU-da waxay sheegeen in doorka Amisom wali loo baahan yahay, in kastoo wax laga badalayo, iyadoo la tixgelinayo kalsooni la’aanta joogtada ah ee ka dhex jirta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Waxay sheegtay in xasilloonida la’aanta Soomaaliya ay inta badan ka dhalatay muranka dowladda ka dhex jira taasoo aragtay in dalka uu seegay bartilmaameedyo lagu qoro dastuur cusub, wadaagga kheyraadka iyo awoodda, iyo sidoo kale dib-u-habeyn lagu sameeyay ciidamada amniga. Tani, marka laga soo tago tabar la’aanta Amisom, halista Al-Shabaab iyo danaha kala geddisan ee saaxiibada shisheeye, ayaa shirqoolay si loo yareeyo xasilinta, ayay tiri.

Bixitaan kasta oo AMISOM ah waa in lagu saleeyaa awoodda (Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed) si ay u difaacaan dadka rayidka ah, ula dagaalamaan Al-Shabaab, si loo ilaaliyo jidadka waaweyn ee sahayda loo maro iyo xasiloonida dhulka la xoreeyay.

“Kooxda AU-IA waxay rumeysan tahay in bixitaanka degdega ah ee AMISOM ay horseedi doonto dib u dhac weyn oo ku yimaada horumarkii laga gaaray Soomaaliya 14-kii sano ee la soo dhaafay.

Dhacdooyinkii 25-kii Abriil 2021-kii, oo ay soo dedejisay is-maandhaafka siyaasadeed ee u dhexeeya DFS iyo qaar ka mid ah Dowlad-goboleedyada, waxaa la arkay maleeshiyaad iyo qaar ka mid ah ciidamada XDS oo gacansaar la leh mucaaradka si ku-meel-gaar ah ula wareegaya qaybo ka mid ah Muqdisho.