Wiil Soomaali ah oo Walaalkiis ku dilay Magaalo kutaala dalka Mareykanka

0

Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Mohamed oo 21-sano jir ah ayaa toogtay walaalkiis ka yar oo lagu magacaabo Maxamuud Mahamed sida uu qoray Wargeyska The Columbas Dispatch ee kasoo baxa dalka Mareykanka.

Dave Sicilian oo katirsan booliiska Mareykanka ayaa sheegay in wiilka la dilay uu toorey ku weeraray walaalkiisa ka weyn sidaa uuna ku dilay, waxaana ninka wax dilay uu heestay bistoolad sharciyeesan sida booliisku sheegeen.

Cali Mohamed ayaa la sheegay kahor inta uusan walaalkiis dilin uu isku dayay in uu waco booliiska si uu ugu war galiyo qatarta uu kala kulmayo walaalkiis, hasa ahaatee waxaa Toorey kusoo weeraray Walaalkiis ka yar xiligaa kadib uu isna xabad kaga dhuftay caloosha .

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafad ka tirsan magaaladda Columbas ee Gobalka Ohio, waxaana dhacdadan baaritaan ku wada booliiska magaaladaasi, waxa ayna la wareegeen bistooladii lagu dilay Maxamuud Mohamed oo 19-sano jir ah.

Dilkan ka dhacay magaaladda Columbus ee Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa noqonaya dilkii 106-aad ee sannadkan ka dhaca magaaladaasi, waxaana dalka Mareykanka kamid yahay wadamada ugu badan ee dilalka ka dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here