Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa Maxkamadda Sare ee Dalkaas ugu baaqay in aysan aqbalin dacwadda uu u gudbiyay Raila Odinga oo saluugay Natiijada uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka & Xuduudaha Kenya.
Odinga ayaa sheegay in lagu shubtay codbixinta isla markaama natiijada uu ku dhawaaqay Guddiga aanay ahayn mid xaqiiq ah uuna aaminsan yahay in uu ku guuleystay codbixintii Dadweyne ee dhacday 9kii August 2022.
Raila Odinga ayaa Gaari nooca Xamuulka qaada ah ku qaaday caddeymo uu sheegay in ay muujinayaan in uu ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Kenya inkasta oo aanay ka hadlin Maxkamadda Sare ee Dalkaas oo leh go’aanka ugu dambeeya.
Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka & Xuduudaha Kenya ayaa isku khilaafay Qareennada ku metalaya kiiska Raila Odinga uu u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Kenya maadaama guddigaan uu isku khilaafay shaacinta Natiijada Doorashada.
Kenya waxaa Sooyaalka u galay muran ka dhashay Natiijooyin Doorashooyin ka dhacay Dalkaas oo qaarkood sababay gacan qaad natiijada ka dhalatay noqotay dhimasho, Dhaawac & Waxyeello soo gaartay qaar kamid ah Magaalooyinkii rabshadaha ka dhaceen.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya William Ruto ayaa ku doodaya in uu guuleystay arrintaasina ay sii xaqiijisay shaacinta natiijada Guddiga Doorashooyinka halka Raila Odinga uu dood sharci ah ka dhigtay in uu guuleystay balse la duudsiiyay.
Waddamo, Ururro & dhinacyo kala duwan ayaa ka digay in Kenya markale ay ka dhacayaan rabshado ka dhasha Natiijada Doorashada haddii aanay imaan xal kale, Maxkamadda Sare ee Dalkaas ayaa dhinac u ridi doonto go’aankaan.