Xaalad cunno la’aan ah oo ka taagan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

0

Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay waxaa ka jira xaalado adag oo dhanka Nolosha ah, go’doon dhanka Gaadiidka ah oo muddo 9-sano ah ayaa saaran Degmadaan halka Diyaaradihii tagi jiray ay joojiyeen safarka dhankooda.

Diinsoor waxaa ka taagan xaalad adag kaddib markii uu saameyay go’doonka Al-Shabaab, Badeecadaha lagu geyn jiray Gaari-dameerada ayaa joogsaday waxaana gabaabsi ah cunnada iibka loo geeyay.

Xasan Cali Aadan oo kamid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in si qarsoodi ah Degmada Diinsoor loo geeyo badeecado kooban oo dusha lagu qaado, taasina aanay dabooli Karin baahida jirta.

Waxa uu sheegay in Dadka dusha ku qaadaya Raashinkaas safar dheer ay u galayaan balse waxa ay soo qaadi karaan ay yar yihiin, iyada oo  ay usii dheer tahay cabsi, haraad iyo tababarta oo ku yar maadaama abaartu saameyn taban ku reebtay.

“Beerihii muddo saddex sano & bar ah dallag kama bixin, Dadka kunool waa xoolo dhaqato beeraley ah, abaarta ayaa xoolaha ka dhammeysay, Degmada Diinsoor waxaa ka taagan xaalad aad u adag oo dhanka bani aadamnimada ayaa ka taagan, Diyaaradihii soo degi jiray masoo caga-dhigtaan halka Gaadiidka uu socodka joojiyay, Dad dhuumaaleysi sameynaya oo afar afar ruux ah ayaa dusha ku keena Raashin, muddo 4 bil ah Kareeto (Dameer) laguma keenin Raashin” Xasan Cali Aadan ayaa sidaasi u sheegay Mustaqbal.

Waa uu sii hadlay Xasan Cali waxa uu sheegay in dhibaatooyinka Bani aadamnimo ay usii dheer tahay xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii Degmadaas maadaama baddelkiisa aanay lasoo magacaabin, taasina ay meesha ka saartay howlihii maamulka uu qabanayay.

“Guddoomiyihii Diinsoor ee xil ka qaadista lagu sameeyay ayaa isku xiri jiray Ganacsatada iyo Shirkadaha Diyaaradaha balse xil ka qaadis lagu sameeyay baddelkiisa lama soo buuxin, firaaqaas ayaa sababay in muddo 4 bil ah ay joogsadaan Diyaaradaha, Xaaladda Diinsoor waa Magaalo Dhulka ka go’doonsan, Diyaaradihiina ay joojiyeen safarka ay ku tagayeen” ayuu yiri Xasan Cali Aadan oo kamid ah Dadka Diinsoor.

Degmooyin dhowr ah oo katirsan DG Koofur Galbeed ayaa muddo u go’doonsan Al-Shabaab, waxaa intaas u dheer abaarta oo saameyn taban ku reebtay Dadka Degmooyinkaas oo u badan Xoolo dhaqato & Beeraley.