Xalka Somalia iyo Kaalinta Culamaa’uddiinka.

0

Kaalinta Culamadu ku leedahay jiheynta guud ee bulshada, waa mid aan muran iyo ismaqiiq aqbali karin. Waxa ay xaq iyo xeer u leeyihiin in ay ka digaan, wax walba oo halis ku keeni kara bulshadeenna, oo dhaawici kara dhaqanka iyo dhigaalka ummaddeenna. Waxaan og nahay in maanta nagu la hayo duullaan, dhinacyo badan ka imaanaya. Mid dhaqan, mid siyaasadeed, mid nabadgalyo, mid dhaqaale iyo mid diineed.

Bal qiyaas, haddii bulshada lagu fasaxo, oo culamadu aysan ka hadlin, heyadaha qalaad ee nagu dhex faafinaya anshax xumada jiheysan iyo dhaqamada salkicinta ku wada dhisan, sida Kirishtaameynta dadkeenna sabooolka ah, sida faafinta hoose ee dhaqanka qaniisnimada, sida NGOyada sumeynaya qeybo badan oo ka mid ah bulshadeenna, sida taranka ha la yareeyo, sida in qaawnaan loo gu yeero dumarkeenna iyo sheeka rakhiista loo yaqaan casrigaan “Faminiisamka” ?! Bal ka warran haddii waxaas wada qubxiga iyo fasahaadka ah bulshada lagu fasaxo, oo la waayo Culamaa’uddiin judhu ka dhahda, kana dhiidhisa?! Bal qiyaas arrinkaas!

Wadaaddada Soomaaliyeed, xaq buuxa ayey u leeyahay, in ay tools u cabbiraan dareenkooda dadnimo, fahan diineedkooda iyo in ay farta ku fiiqaan waxii xumaana, sababtoo ah qudhoodu waa muwaaddiniin, balse, hal shardi ayaa ku xiran wacyigalintaas, waana in aysan marnaba gacanqaad sameyn, dadkana ku dhiirragalin.

Ma dooneyno in aan hadda dib ugu laabanno dhabbadii dheereyd ee isgaalaysiinta iyo in xisaabxir ka dhaxeeya rag xildoona nagu la mashquuliyo. Taas waan soo aragnay, haddii ay dheef leedahay. Calmaaniyadda dhabta ah, ma diiddano in dowladda iyo culamaa’uddiinku ka wada shaqeeyaan waxii waxtar u leh shicibka.

Bal eeg carriga reer Galbeedka. Kaniisadda iyo dawladda wada shaqeyn toos ah oo muuqata ayaa ka dhaxeysa. Waxey iska kaashadeen samatabixinta bulshada, taakuleynta dadka taagta iyo tabarta yar. Haa, way jiraan fekrado iyo qawaaniin ay ku kala duwan yihiin, waliba dhaliil ayey hawada isku mariyaan, balse, taas micnaheedu ma ahan in kaalintii wadaadka meesha laga saaray. Xagjirka dawlad-billaawga ah, ayaa ku indhasarcaada sheeko bareeleyda oraneysa;- “Wadaadku wax kaalin iyo shaqo ah ku ma lahan hannaanka siyaasadda dowladda iyo hoggaanka dalka.” Waa been gaamuurtay iyo dacaayad aan sal iyo raad sugan laheyn.

Culamada waajib diiniya iyo mid akhlaaqiya ayaa ka saaran in ay ummadda u noqdaan dhufeys iyo gaashaan ay ka hoos galaan weerarrada ba’an ee lagu hayo dalkooda iyo aayatiinka faca soo baxaya. Waligaa siyaasi fadhiida oo xil raba yuusan kaa dhaadhicinnin, dacaayadda liidata ee oranaysa;- “Wadaad ayaa wax laga wadi la’ yahay.” Kaasi waa Dajaal iyo dayuus darajo doonaya, oo beenhawaasa.

WQ; Cabdicasiis Maxamed Shidane